Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ee Somaliland ayaa ku xukuntay samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo shilin Somaliland ah.
Xukunkan ayaa yimid iyadoo aan warbaahinta si rasmi ah loogu soo bandhigin eedaha loo haystay Coldoon ama qodobbada sharci ee maxkamaddu u cuskatay go’aankeeda.
Coldoon ayaa la sheegay inuu diiday inuu qabsado qareen, isagoo doorbiday inuu isagu si toos ah isaga difaaco maxkamadda horteeda.
Cabdimaalik waxaa la xiray 4-tii Abriil, isaga oo laga qabtay magaalada Berbera, kadib markii uu sheegay inuu ku maqnaa baxsad uu ugu baxay bariga Somaliland. Waxa uu markaas sheegay in ay jirto cabsi la xiriirta in la xiro, taas oo sababtay in uu si ku meel gaar ah uga fogaado magaalada.
Qoyskiisa ayaa markii dambe ku qanciyay inuu Burco dib ugu soo laabto, iyadoo loo ballan-qaaday inaan la xiri doonin, balse durbadiiba waa la xidhay markii uu yimid.
Waxaa la tuhunsan yahay in xadhigiisa uu salka ku hayo faallo uu ka bixiyay warbixin ay baahisay Al Jazeera, taas oo sheegtay in Somaliland ay aqbashay inay martigeliso dad ka tirsan shacabka reer Gasa ee ay Israel iyo Mareykanku rabaan in ay ka barakiciyaan dhulkooda.
Somaliland ayaa warbixintaas si cad u beenisay, balse faallada Coldoon ee arrintaas oo ay ku jireen erayo si toos ah u dhaliilaya mas’uuliyiin sare ayaa la rumeysan yahay in ay sababtay cadhada xukuumadda.
Coldoon hore ayaa dhowr jeer loogu xiray kiisaska la xiriira faafinta warar been abuur ah iyo magac-dil, sida kiisaskii la xiriiray Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa. Dacwadahaas mar qaar waa lagu xukumay, mar kalena waa lagu waayay.
Khilaafka u dhexeeya isaga iyo xukuumadda Somaliland ayaa soo bilowday tan iyo sannadkii 2017, xilligaas oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo markaas ahaa suxufi caan ah.