Somaliland: Dadka reer Laascaanood dookh malaha hal arrin darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ka hadashay colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo meel adag iska taagtay midnimada ay raadinayaan reer Laascaanood.

Afhayeenka xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood aysan laheyn dookh, islamarkaana ay yihiin reer Somaliland, sida uu sheegay.

“Shacbiga Somaliland, doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh oo waxay rabitaan qaateen 1991-kii, oo waata maanta 32 guuradii u dabaal-dageyno, taas ayay qaateen oo ku suntan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni.

Afhayeen Buuni oo wareysi siiyaya warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sidoo kale si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xilhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka gooni-goosad ee Somaliland.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur haddii aduu markii aad wasiirka ahayd aad ku iibisay badii Soomaaliya dookh aad leedahay, Shacbiga Somaliland doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh, waxay qaateen rabitaan 1991,” ayuu yiri Buuni.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gees illaa gees waxa uu dookhooda, rabitaankooda iyo aaminsanaantooda ay tahay waa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taana waxaa leeyahay umadda ku daba qaaday ee maanta xasuusan taariikhda baalka madow ee kaga jirto waa tan aad maanta waxba u noqon weyday.”

Afhayeen Buuni ayaa waxa kale oo uu dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay in aanay Cabdiraxamaan Cabdishakuur xil wasiir siinin, isaga oo ku eedeeyay in Mudane Shakuur uu iibiyay badda Soomaaliya mar uu wasiir noqday.

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka ayaa waxa la qabta xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo isagu kal hore sheegay in colaadda ka taagan Laascaanood ay tahay mid gudaha Somaliland ka jirta, ayna dhinacyada daneynayna in xal laga gaaro arrintaasi ay taasi kasii amba-qaadan si miiska wada-hadalka la iskugu imaado.

Si kastaba, Somaliland ayaa si weyn u dhibsatay qoraal uu dhawaan bartiisa Facebook ku baahiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo uu ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaadda ka taagan Laascaanood, wuxuuna sheegay “in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka Somaliland, sida aan iyada loogu qasbin midnimada.”