Taliye SHUB oo awaamir culus dul dhigay ciidanka asluubta iyo saraakiisha

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socota ciidanka asluubta iyo saraakiishooda, oo uu faray in kuwa fasaxa iyo eregta ku maqan ay sida dhaqsaha badan ugu soo laabtan shaqadooda.

Taliye Shub ayaa sidoo kale waxa uu faray saraakiisha ciidanka asluubta inay soo gudbiyeen askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya, xilli uu caasimadda ka socdo howl-gal lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo askarta isticmaasha, si meesha looga saaro falalka amni darro ee ka dhasha.

“Waa dhamaaday waqtigii aan siinay, aniga oo tixgelinaya kuna hadlaya afkii ciidanka asluubta, dadkaasi waxaa ugu darnay shan maalmood oo kale, ninkii shantaas maalmood ku imaan ciidanka asluubta kamid ma ahan, meesha uu joogo hore ha uga dhaqaaqo. Dadka aan u yeerayno qof noogu imaan kara oo aan ka ogolaaneyno ma jirto,” ayuu yiri Taliye Shub.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ciidanka asluubta dhexdiisa aan laga aqbali doonin dad xashaashka caba oo daroogeyste ah, “dad meelaha ku dhac dhacaya noocaas asaga ah askari lagama rabo, ciddii askarnimo dambe usii haysa Qaranka ayuu khiyaamay.”

Saraakiisha ciidanka asluubta ayaa waxa uu ku amray in askarta noocaasi ah laga saaro ciidanka, islamarkaana liiskooda sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyeen xafiiska taliyaha ciidanka asluubta.

“Waxaa amreyna saraakiisha iyo sareeyaasha in aysan iska qori karin shaqsiyaadka ay rabaan, askari waa kii shaqeeya, in midna uu shaqeeyo mid kalena guriga jiifo oo isku mushaar qaatan waa cadaalad darro, dooni meyno cadaalad daro.”

Saraakiisha iyo madaxda hoggaanka ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay dib ugu soo laaban doonto ayaga, haddii aysan u hoggaansamin amarka kasoo baxay, “idinka ayay idinku soo noqoneysa haddii aydaan fulin oo tallaabo ayaa la idinka qaadaya.”

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Shub) ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.

Hoos ka daawo