Somaliland: Kiisaska Covid-19 oo maanta kor u kacay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta warbixinteedii maalinlaha aheyd ku shaacisay inay soo kordheen Kiisas cusub oo cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, xili uu si weyn ugu sii fidayo deegaanadeeda cudurkaasi.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay soo kordheen 6-kiis oo hor leh, kuwaasi oo afar kamid ah ay yihiin Rag, halka labada kale ay yihiin Dumar.

Lixdan kiis ee maanta soo korodhay ayaa waxay afar kamid ah ku nool-yihiin magaalada Hargeysa iyo halka labada qof ee kale ay ku nool yihiin magaalada Burco, sida ay shaacisay wasaarada caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay wasaaradu sheegtay in Lixdaasi qof midkood uu yahay qof Ajnabi ah oo u dashay dalka Bangladesh, halka 5-qof ee kale ay yihiin muwaadiniin reer Somaliland.

Tirada guud ee cudurkaasi ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 54-kiis, halka bogsashada guud ay tahay 7-qof, iyada oo 5-qof oo hor leh ay u geeriyoodeen cudurkaasi, inta ilaa hadda si rasmiya loo xaqiijiyey.