Jahwereer ka taagan xaalada Amiir Maxamed Bin Nayef iyo ‘qiil loo diyaariyey qorshe lagu dili rabo’

Riyadh (Caasimada Online) – Qoraal uu Twitter-kiisa ka tir-tiray Aaasinka guud ee xabsiyadda Sucuudi Caraniya ayaa abuuray walaac ku saabsan xaalada caafimaad iyo nolosha dhaxal sugihii hore Maxamed Bin Nayef.

Maamulaha xabsiga boqortooyadda ayaa qoraal uu Axaddi ku soo qoray twitter-ka oo uu ugu Jawaabay warar sheegayey in dhaxal sugihii hore uu dhintay waxaa uu ku yiri:

“Agaasinka guud ee Xabsiyadda waxa uu beeninayaa wararka sheegaya geerida Amiir Maxamed bin Nayef bin Cabdulaziz Ala Sacuud waxaaana uu xaqiijinayaa in uu ku dhacay wadne xanuun, haddana loo wareejiyay qaybta daryeelka deg-degga ah.”

“Shaqaale caafimaad oo taqasusi ah ayaa la socda caafimaadka Amiiir Maxamed bin Nayed marwalba,” ayuu qoraalkiisa ku daray.

Qoraalkaaas twitter-ka islamarkiiba waa la tiray, agaasinka xabsiyaduna waxaa uu sheegay in akoonkiisa twitter-ka la jabsaday.


Macnaha: Agaasinka guud ee xabsiyada waxa uu dib u helay twitter-kiisa kadib markii la jabsaday.

“Waxaan jeclaanlahayn in aan xusno in akoonka Twitter-ka ee agaasinka xabsiyada la jabsaday Axaddi 10/5/2020 qoraallo qaldanna lagu so qoray,” ayaa lagu sheegay war uu soo saaray maamulka xabsiyadda.

Waxaa rali gelin la siiyay taageerayaasha agaasinka, waxaana uu agaasinku balan qaaday “in uu qaaadayo talaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka ah si loo baaro dhacdada islamarkaana la qaadayo talaabo ka dhan kuwa dambiga masuulka ka ah.”

Hase yeeshee sheekada jabsashada ayaa loo arkay mid lagu daboolayo xaqiiqda ah inuu fakaday war ku saabsan xaaladda caafimaad iyo nolosha Maxamed Bin Nayef.

Maxamed Bin Nayef oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha abtina uu u yahay Boqor Salmaan, waxaa la rumeysan yahay in la xiray bishii March kadib markii Maxamed bin Salmaan saraakiil sare ka eryay boqortooyadda Sacuudiga.

Amiirka xiran waxaa loo magacaabay inuu noqdo dhaxal-sugaha boqorooyadda sanadkii 2015-kii, laakiin boqor Salmaan ayaa Maxamed bin Salmaan ku bedelay sanadkii 2017-kii.

Kadib markii dhaxaltooyadda laga saaray, Maxamed Bin Nayef iyo dadkii ku hareereysnaa waxaa laga xayuubiyay mobile ladii iyo gunooyinkii, waxaana laga mamnuucay in ay safraan.

Ilo wareedyo la hadlay wargeyska Middle East Eye ayaa shegay in amiirku uu u cadawday saaxiibadiis islamarkaana uu warqad u diray boqorka, taasi oo ku saabsan la bixista gudooniyinka uu boqortooyadda ku lahaa.

Dad xuquuqda aadanana u ololeeya iyo kuwa isticmala baraha bulshadda ayaa muujiyay walaaca ay ka qaabaan caafimaadka iyo nolosha amiirka iyo waxa sababay dhacdooyinkii u dambeeyay.

Dadka qaar ayaa ku macneeyey in xanuunka uu horey u sheegay agaasinka xabsiyada laga yaabo in ujeedkiisu yahay mid qiil loogu soo diyaarinayo in la dilo Maxamed Bin Nayef, si gadaal dambe loogu yiraahdo xanuunkii ayuu u dhintay.

Turki Shalhoub oo u dooda xuquuqul insaanka ayaa weydiiyay madaxda xabsiga hadii wadna xanuunka la sheegayo uu horudhac u yahay “in Bin Nayef meesha laga saaro inta uu xabsiga ku jiro”. Waxaa uu su’aal ka kenay in amiiradda kale ay dhaqaaqi doonaan iyo in ay qadartooda ka sugi doonaan gacmaha amiirka da’yarka ah [Maxamed Bin Salman].”

Macnaha: Maxamed Bin Nayed waxa uu isku diyaarinayaa inuu axbsiga ku dilo ina adeerkiisa Maxamed Bin Nayef. Amiirada kale ma dhaqaaqdi doonaan mase waxay qadartooda mid mid uga sugi doonaan gacmaha amiirka da’da yar.

Ahdjadid oo ah akoon twitter oo dhalleeceeya Sacuudiga ayaa sheegay in dhaxal sugaha uu ku dhacay wadne xanuun ka dhashay “dayacaad ula kac ah oo cafimaad”, waxaana uu tilmaamay in loo beegsanayo dad uu xir-xiray intuu dhaxal sugaha ahaa.

Translation: Maxamed Bin Nayef waxaa ku dhacay wadno xanuun ka dhashay dayacaad caafimaad oo ula kac ah, waxaana hadda uu ku sugan yahay kormeer caafimaad, isaga oo og inuu dhaawaca uu sii saameyn doono. Wuxuu billaabay olole xarig oo ka dhan ah shakshiyaad militariga caanka ah, dadkaas qaarkood waxaa la dallacsiiyey kadib markii uu xukunka qabtay Bin Salman. Wasiirka arrimaha gudaha waa ka maqan yahay goobta.