Xog laga helay dhacdooyin yaab leh oo keenay in askari Itoobiyaan ah uu soo rido diyaaraddii African Express

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hor leh ayaa laga helayaa qaabkii loo soo riday diyaaradii shirkadda African Express ee toddobaadkii hore ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Bay.

Weydow Cali Xasan waa guddoomiyihii hore ee degmada Bardaale, haatana ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee degmadaas, waxa uu xog cusub ka bixiyay qaabii ay ciidamada Itoobiya u soo rideen diyaaradda.

Weydow Cali Xasan ayaa VOA u sheegay in diyaaradu ay garoonka uga timid dhanka waqooyi, balse halkii ay caga dhigan laheyd uu taagnaa gaari ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kaas oo uu saarnaa qori suug ah.

Intaas kadib duuliyihii diyaaradda ayaa isku deyay in uu jiiro kale soo geliyo diyaaradda inta uu gaarigaasi ka wareegayo goobta, balse nasiib darro waxa uu sheegay Weydow in durbadiiba ay ciidamadu seddax xabadood ku dhifteen diyaaradda, kuwaas oo laga riday qorigii gaariga saarnaa ee Suuga.

Saraakiil kale oo u waramay VOA waxa ay sheegeen in diyaaradda markii lasoo riday ay ku jirtay wareegii labaad, iyadoo markii hore garoonka halkii ay caga dhigan laheyd ku aragtay Dameer gudbayey, sidaasna ay uga shakiyeen ciidamada Itoobiya.

Hase yeeshee guddoomiyihii hore ee Bardaale Weydow Cali waxa uu sheegay in garoonku uusanba laheyn meel dameer kasoo galo iyo meel uu uga gudbo toona, balse sida muuqatay ay ciidamadu ku naxeen diyaaradda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deegaanka badankood, gaar ahaan mas’uuliyiinta uu isagu ku jiro ay ka war hayeen in diyaadu ay kusoo wajahantahay magaalada, sidoo kale waxa uu xusay in garoonka horay ay diyaarado ugu degi jireen.

Ilo kale waxa ay sheegeen in askariga riday xabadaha ku dhacay diyaaradda uusan ka tirsaneyn AMISOM, balse uu ka mid ahaa ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmo ka hor dhanka xuduuda kasoo galay Soomaaliya, kuwaas oo ku cusbaa magaalada.

Maalmaha nasoo aadan waxaa lagu wadaa in uu bilaawdo baaritaan seddax geesood ah oo ay sameynayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Diyaaradda ayaa ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya

Mas’uuliyiin ka kala socday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo maalin kadib markii diyaaradda lasoo riday gaaray Bardaale, kuwaas oo uu hogaaminayey Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Oomaar, waxa ay xaqiijiyeen in Sanduuqii madoobaa iyo Rikoorka dooba codadka ay yaalaan halkii ay ku dhacday diyaaraddu, halkaas oo haatan lagu ilaalinayo ilaa laga baaro.

Sanduuqii madoobaa iyo Rikoorka dooba codadka ayaa laga heli karaa xogtii ugu dambeysay inta aysan dhicin diyaaradu, sida jawigu ahaa iyo waxa ay sababsatay.

Halkan ka dhageyso wareysiga Weydow Cali Xasan uu siiyey VOA