UJEEDKA tallaabadii uu Mareykanka qaaday ee ka dhanka ahayd Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ugu goodiyay in uu ciidankiisa kala bixi doono boqortooyadda hadddii uusan taageerin dalabka Washington ee ah in la yareeyo soo saarka Saliidda, kadib markii ay telefoonka ku wadahadleen bishii April.

Awoodda hanjabaadda Trump ayaa Maxamed bin Salmaan ku khasabtay in uu la-taliyeyaashiisa ku amro in ay qolka uga baxaan, si wada-hadalku gaar ugu noqdo, sida ay daabacday Reuters.

Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ku dhaawaaqay Khamiistii lasoo dhaafay in militariga Maraykanku uu uu Sacuudiga kala bixi doono labo ka mid ah gantaaladda difaaca hawada ee Patriot iyo diyaarado dagaal, kuwaas oo markii hore Sacuudiga loo geyay in ay difaacaan warshadaha saliidda.

Madaxweyne Trump ayaa arrinta ka bixiyay sharaxaad maldahan waxaana uu yiri “ waxaan Barriga Dhexe iyo meelo kaleba kasameyneynaa dhaq-dhaqaaq badan. Militari ahaan wax badan ayaan aduunyadda ka qabanay, aduunyadana waan u faa’iideynay.”

Laakiin khubaradu waxaa ay rumeysan yihiin in Maraykanku uu boqortooyadda ku ciqaabayo isbedelkii deg-degga ahaa ee ay ku sameysay suuqyadda saliidda caalamka taas oo shirkadaha shidaalka Maraykanka ku khasabtay in ay musalafaan.

“Waa xurguf u dhaxaysa Maraykanka iyo Sucuudi Carabiya, Washington waxay u sheegeeysaa Riyadh haddii aadan qaadan taladeena shidaalka, Iran ayaan idinkaga tageeynaa,” ayuu yiri Mehmet Bulovali oo ah khabiir Kurdish ah oo ku xeel-dheer arirmaha gobolka.

Iran waa mucaaradka ugu weyn ee Sucuudigu ku leeyahay Bariga Dhexe, waxayna ku dagaalameen Yemen iyo Lubnaan.

Dad badan aya sidoo kale u arka in weerarkii sanadkii lasoo dhaafay lagu qaday Warshadaha Shidaalka Iran ay ka dambeysay inkastoo ay masuuliyadda sheegteen xuutiyiinta Yemen. Weerarkaasi waxaa uu muddo todobaad ah joojiyay soo saarka Shidaalka ee Sucuudiga.

Weerarada kadib, Trump waxaa uu gantaalada difaaca hawada u diray boqortooyadda, oo ah xullufo carbeed ee muhiim ah u ah Washington.

Xiisadda Sucuudiga iyo Maraykanka

Sabbeynta suuqa shidaalka ayaa abuurtay isku dhac u dhaxeeya xulifadda taariikhda dheer iyadoo Coronavirus uu tobanaan kun ka dilay dadka Maraykanka islamarkaana uu shaqo la’aan dhigay 33.3 million oo qof. Xasarada dhaqaale ee adduunka ayaa waxaa hadda lala bar-bardhigayaa dhaqaale bur-burkii weynaa ee dunida.

“Uma ogolaan karno Sucuudi Carabiya in ay harqiso suuqa,  gaar ahaan xilligaan ay awooda keydku yartahay, hadda tiradii ugu badneyd ee maraakiibta shidaalka Sucuudiga ayaa ku soo socda xeebaheena,” ayuu yiri Senator Kevin Cramer oo laga soo doorto gobolka North Dakota.

Seddaxdii April April, maalin kadib markii ay telefoonka kuwada hadleen Trump iyo bin Salmaan, ayuu Senator Kevin Cramer waxaa uu u sheegay Trump in ay waxba ku fadhin in malaayiin dollar lagu kharash gareeyo difaaca Sucuudiga “haddii ay saaxiibadeen na khiyamayaan.”

“Arrintaan soo cuboonaatay waxaa ay keeneysa hoos u dhac ku yimaada is aaminaadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Sucuudiga” ayuu Bulovali u sheegay TV-ga TRT World.

Bulovali waxaa uu rumeysanyahay in isku dhaca Sucuudiga iyo Maraykanka uu dib usoo nooleynayo awoodda Iran ee Bariga Dhexe kadib markii ay weysay Generalkeedii qiimaha badnaa Qasim Suleymani oo Maraykanku bishii January ku dilay Ciraaq.