Xog: Sababta rasmiga ah ee Senatoro ka tirsan Aqalka Sare loogu diiday Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa Axaddii Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BF ku xanibay garoonka, una diiday inay u safraan magaalada Kismaayo.

Senatoradaan ayaa laga reebay diyaarad siday meydka Allahha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland waxayna warbaahinta u sheegeen in loo diiday ka qeybgalka aaska marxuumka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wafdiga Senatorada ah aysan ka qeyb geli laheyn aaska Marxuumka oo kaliya balse ay doonayeen iney ka qeyb galaan shir dood ka taagan tahay oo ka furmayay Kismaayo.

Shirkaas ka furmay Kismaayo ayaa looga hadlayay, dib u heshiisiinta Jubaland, iyo colaadii ka dhacday Galbeedka Kismaayo una dhaxeysay beelaha walaalaha balse waxaa diidan hal dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay.

Beel kamid ah beelaha dagaalka dhaxmaray oo shirkaas diidaneed ayaa la sheegay in Villa Somalia ay ka dalbatay in Senator Iftiin Xasan Baasto oo kursiga ku matala uusan ka bixin Muqdisho, si uusan shirkaas kaga qeyb gelin maadaama uu saaxiib la yahay Axmed Madoobe, talooyinka beeshana diiday.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysay in Jubbaland ay damacsaneed in shirkaas muunad kale u yeesho oo ay ku casuunto siyaasiinta beelaha halkii ay aheyd in lagu casuumo dhaqanka si ay xal uga gaaraan colaadii dhacday oo wali taagan.

Inkastoo ay xogta sidaas sheegeyso hadane waxaa jirta in dhowr jeer laga hor istaagay Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Siyaasad cakiran ee u dhaxeysa Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa reebtay saameen weyn oo degaanka ah walina ma jirto xal laga gaaray.