Wasiirka batroolka DF oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan shidaalka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Batroolka xukuumada federaalka Soomaaliya, Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyey balookyada saliidda ee laga baarayo Soomaaliya, kadib markii ay wasaaraddiisu soo bandhigtay xirmooyinka shidaalka ee dalka laga helay, kadib sahmin lagu sameeyay.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inay raaci doonaan, kuna dhaqmi doonaan Hindise sharciyeedka Batroolka dalka ee lagu heshiiyey, islamarkaana ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray cabashooyinka ka imaanaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo ku doodaya in aysan caddeyn qaybsiga saamiga.

“Ma arko Khilaaf ka taagan, waa loo dhan yahay ka faaiideysiga Khayraatka oo uu kamid yahay Batroolka, waxaa ansixiyay labada Gole ee BFS oo wakiilo ka kala ah Dowlad Goboleedyada, iima muuqata cid ka maqan marka la eego dhammaan dhinacyada ogolaaday” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tartanka shirkadaha daneynaya ay furi doonaan 4-ta bisha August ee sanadkaan, lana joojin doono bisha Maarso ee 2021-ka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in xogtii laga soo uruuriyey ciidda ee ay dowladda amartay  muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo oo la qorsheynayo in la baaro ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil.