Somaliland oo Cabdimanan kula kacday fal argagax leh iyo DF oo ka aamusan

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay fal argagax leh oo ka baxsan la dhaqanka maxaabiista kula kacday Mulkiilaha Astaan Tv, Cabdimanaan oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa Xukuumada Muuse Biixi.

Cabdimanan Yuusuf Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkada Astaan ayaa bartamahii bishii hore ee July lagu xiray magaalada Hargeysa, iyada oo aysan weli jirin dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, ciidamada booliska oo ka amar qaadanaya xubno sarre oo ka tirsan xukuumad ayaa Cabdimanaan u geystey jirdil, taasi oo ah xad-gudub ka dhan ah xuquuqda iyo hab la dhaqanka maxaabiista.

Xarigga Cabdimanaan ayaa dabo socda cadaadisyo ay xukuumaddu ku saareyso in shaqsiyaad ay wadato uu saami buuran ka siiyo shirkadda Astaan Cable, sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, Axmed Maxamed Jaamac oo sidoo kalena ah Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee shirkadda Astaan Cable.

Jir-dilka loo geystay Cabdimanaan ayaa imanaya xili uu weli ku madax adeygayo diidmada inuu aqbalo dalabka mas’uuliyiintaasi, oo u muuqda kuwa doorbiday tallaabadaasi si ay cadaadis xoogan u saaran, sida ay ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Mana aha markii u horeysay ee xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay qaab sharci darro ah ula dhaqanto shaqsiyaad u xiran, taasi oo walaac badan ay ka muujiyeen Hay’addaha u dooda xuquuqul insaanku.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal xadgudubyada iyo xariga ay Somaliland u gaystay Cabdimanaan