Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saartay xiriirka kala dhexeeya dowlada Kenya

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka maamulkooda kala dhexeeyo dowladda dalka Kenya.

Ugu horreyn wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dood la sheegay inay todobaadkaan golaha wasiirada Kenya ay ka yeelanayaan Aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Faratoon ayaa xusay in Kenya ay tahay dal ay daris yihiin, islamarkaana uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo kala duwan leh.

“Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay, wefdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wefdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay wadamada caalamka.

“Xiriirka fiican baynu leenahay wadamada kale ee Caalamka, markaas mar walba diyaar ayaanu u nahay in xiriirka aynu la leenahay Caalamka sii laba jibaarno, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira oo jiri doona haddii Allaah yiraahdo, waxaynu nahay dal leh wax walba oo dal iyo dawladnimo looga baahan yahay, shuruudihii dal madax banaan looga baahnaana weynu buuxinay, sidaas darteed halgan waxaynu ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, iskaashigeena Diblamaasiyadeedna u sii balaarain lahayn, ee Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ku dhiirigelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku dhiirigelinayaa inay isku duubnadaan oo qarankooda meel uga soo wada jeestaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Yaasiin Xaaji Faratoon.

Somaliland ayaa waayadii dambe sameyneysay xiriiro caalami ah, waxaana ugu dambeeyey midkii ay dhowan la yeelatay jasiirada Taiwan.