Xog: Xildhibaano Muqdisho ka bilaabay qorshe ka dhan ah wasiir Beyle iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii udambeeyay waxa magaalada Muqdisho ka socday kulamo gooni-gooni ah oo ay yeelanayeen Xildhibaanada waqooyiga ee labada aqal ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa gobolada galbeedka ee Somaliland, ayaa waxa looga hadlayay xaalada cakiran ee dalka iyo khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka.

Xog ay Caasimada Online ka helayso kulamadaasi, ayaa sheegaya in uu qeyb ka ahaa qorshe ka dhan ah Sii-hayaha wasiirka wasaarada maaliyada, Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo lagu rabo in gebi ahaanba liiska looga saaro dhismaha xukuumadda cusub ee lagu wado inuu soo dhiso ra’iisal wasaaraha cusub ee uu magacaabi doono Farmaajo, kadib markii xilka laga tuuray Kheyre iyo xukuumadiisii.

Kulamadaasi oo ay ku wehlinayeen xildhibanaadaasi siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beelaha dega gobolada galbeedka ayaa waxa diirada lagu saaray sidii ay beesha qof kale u gaysan lahayd xukuumadda cusub, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Waxay kulamadan dabo socdaan kuwo hore oo looga soo horjeeday xubno wasiiro ah oo xukuumaddii Kheyre ku metelayay beelahaasi, ka hor intii uu kalsoonida kala noqon baarlamaanku, inkastoo ay sii xoogeysteen maalmihii udambeeyay.

Qorshahaasi ayaa gebi ahaanba meesha ka saari kara inuu Beyle iyo wasiiro kale oo beelahaasi kasoo jeeda ay uga soo muuqdaan xukuumadda cusub ee lagu wado in uu magacaabo ra’iisal wasaaraha cusub ee Farmaajo uu magacaabi doono ka hor inta usoo idlaan muddo xileedkiisu.

Wuxuuna kusoo aadaya xili uu Wasiir Beyle si dhaw ula shaqeeyo Villa Somalia oo dhawaan kulama uu la qaatay ku faray inuusan wax lacag ah ka bixin qasnada wasaaradda, taasi oo looga hortagayo inay dhaq-dhaqaaq maaliyadeed sameeyaan Mas’uuliyiintii xukuumadda Kheyre.

Villa Somalia ayaa iyadu toddobaadyadii u dambeeyay waday qorshayaal ay ku wiiqeyso awoodii xukuumaddii ra’iisal wasaare Kheyre oo la fahamsan yahay inay isku mari waayeen damaca madaxweyne Farmaajo ee muddo kororsiga.