Somaliland oo dad u xirtay dhaawaca agaasimaha wasaarada caafimaadka

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay ina xabsiga dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dhaawac u geystay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku baxay xarun wasaaradda leedahay oo la doonayay inay shaqsiyaad dhistaan.

Agaasimaha ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugaha, waxaana uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu soo wadan karo shaqadiisa, isaga oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Xergeeye uu ka dhaawacmay bowdada, balse xabadda ayaa la sheegay inay hilibka ka dhex baxday, islamarkaana ma jirto jab lafta ka gaaray, sida dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in wasaaradda ay dooneysay in askariga iyo dad kale oo shacab ah la doonayay in laga raro goob ay leedahay wasaaradda, halka askariga uu doonayay inuu goobta dhisto.

Masuuliyiinta SOmaliland ayaa sheegay inay qabteen askariga falkaasi, islamarkaana xabsiga la dhigay askarigaasi, iyo dad kale oo doonayay inay xoog ku dhistaan xarunta ay leedahay wasaaradda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com