Maxaa dib u dhigay kulanka xasaasiga ah ee BF uu ku yeelan lahaa Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay fiidnimadii helay ogeysiis la xiriiray inay maanta yeelanayaan kulan looga doodayay dhowr qodob.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay maanta ka doodi lahaayeen labo qodob oo kala ah u codeynta wax ka badalka sharciga Hanti dhowrka iyo Xeerka maamulka Bangiga Dhexe, sida ku qorneyd fariimaha loo dilay xildhibaanada.

Laakiin xildhibaanada ayaa markale loo diray fariimo kale oo loogu sheegayo in dib loo dhigay kulanka maanta ay yeelan lahaayeen, waxaana la cadeyn sababta arintaasi ka dambeysa.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ka maqan dalka lagu wargeliyay inay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, waxaana muuqata yaraanta Kooramka iyo ahmiyada qodobada ay leeyihiin.

Sidoo kale waxaa muuqata xasaasiyada uu lahaa kulanka laga doodi lahaa, maadaama Bangiga Dhexe loo dhiibay qof Ajnabi ah.

Sababta xildhibaanada loogu yeeray ayaa ah in lasoo xirayo kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka, kadibna ay fasax geli doonaan ka hor inta aan la gaarin Kalfadhiga Shanaad.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankooda caadiga ah yeesha maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta muuqato inuu baaqanayo kulankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com