Gabadhii Sacuudiga ee ka soo carartay qoyskeeda oo magan-galyo ka heshay dal kale una dhooftay xalay

Bangkok (Caasimada Online) – Gabar Sacuudiyaan ah oo kasoo carartay qoyskeeda kuna xanibneyd garoonka diyaaradaha magaalada Bangkok ee dalka Thailand, ayaa xalay u dhooftay dalka Canada kadib markii magan-galyo la siiyey.

Rahaf Mohammed al-Qunun oo 18 jir ah ayaa isku dayeysay inay iska dhiibto dalka Australia markii lagu celiyey garoonka Bangkok oo loo sheegay inay ku laabato dalka Kuwait oo ay qoyskeeda ku sugayeen.

Waxa ay diiday inay dib ugu laabato qoyskeeda waxayna isku xirtay qolka hotel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha, ayada markii dambena kadib ka baxday diinta Islaamka, sida ay sheegtay.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa weriyayaasha u sheegay “Canada way caddeysay inaan mar walba u taagganahay difaacidda xuquuqda adanaha iyo xuquuqda haweenka dunida oo dhan. Markii QM ay naga codsatay inaan siino magan-galyo, waan aqbalnay”.

Canada ayaa hadda ka hor ka carreysiiyey dowladda Sacuudiga, markii ay ku baaqday in lasii daayo haweenka u dooda xuquuqda aadanaha ee lagu xiray dalka Sacuudiga, taasi oo keentay in Riyadh ay soo cayriso safiirka Canada, islamarkaana joojiso ganacsigii kala dhaxeeyey dalkaas.

Sheekada Rahaf Mohammed al-Qunun ayaa soo jiidatay indhaha caalamka oo idil, waxaana aad uga hadlay uguna dooday warbaahinta, dowladaha iyo shacabka reer galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Kuala Lumpur
caasimada@live.com