3 arrin oo sababay in qofkii mar madaxnimo loo doorto uusan mar kale soo laaban

Nin caadadii ma daayo, bahalna ceyriin, Soomaaliya,laga soo bilaabo xilligii la qaatay xorriyada, ninkii mar madaxweyne noqda mar labaad masoo laabto. Haddii xittaa isaga isa soo sharxo, markale looma doorto madaxtinimo.

Si kasta, oo uu Xildhibaanada usoo xusho, si kasta, oo uu lacag laabta oogu shubo, si kasta, oo uu balanqaad ugu beer laxowsada, haddana xagaa bay noqdaan wuxuu ku xiiqay. Intay ku cawo seexiyaan cododkooda ayey aakhirki cashar u dhigaan. Isagoo urugeysan ciilna u dheeryahay buu iska carraabaa!

Dad badan baa su’aashaas is weydiiya, asii jawaabteeda weli ka caajisan. Aan halkan idinku soo gudbiyo saddex waxyaabood oo sabab u ah:

1) – Doorashada ka hor, balanqaad fulintooda beenowda!

Siyaasaddu sariig malahoo, Siyaasi kasta oo isu soo sharxa xilka madaxtinimo, ka hor doorashada,  wuxuu sameeyaa balanqaadyo afka ah, asii aan ka imaan dhuunta dacalkeeda, tiiyoo ay dheertahay inuusan ogeyn war iyo wacaal waxa arlada yaal.

Doorashada kadib, halki laga filayay fulinta balamihii uu fagaaraha ka sheegay, ayaa wuxuu bilaabaa ka doorbiidid howlo kale. Balanqaadyadiisu waxba kama soo naasa-cadaadaan.  Bedelkeed, wuxuu  ku dadaalaa ka guul gaarida howlo isaga u gaar ah.

Qaarkood, halkii  balan-oofin laga sugayay, ayey baaba’a ummada u horseedaan.

Ammaanka iyo nabadgalyada ayaan soo celinayaa oraahdiisa aheyd. Dagaal iyo dhiig daata ayaa bedela, dhaqaalahaan kor u qaadayaa halqabsiga ahaana, sicir-barar iyo musuq baa booskaasi buuxiya, caafimaad iyo waxbarasho ayey bulshadu ku naaloon doontaa, cudur iyo tayo xumaa dadku la tacaalaan ayaa bedela.

2) – Xildhibaano cusub oo xilalka la wareega.

Inta badan waxaa dhacda, tartanka kiisa labaad ee doorshada Xildhibaanada, inay baarlamaanka soo galaan, wejiyo cusub, kuwaasoo ka duwan kuwii hore, ka xamaasadeysan Xildhibaanadi hore, kana xisaab badan. Waxay taasi sababtaa, in Xildhibaanadaasi is bedel sameeyaan, maadaama iyaga curdun yihiin ayey doorbidaan madax cusub. Wallow ay jiraan xildhibaano kursiga kusoo laabta, haddana dhirta masaartii laga jaray baa dib loogu jaraaye, isla iyagii oo uu soo xushay ayaa xilka ka xayuubiya 

3) – Xiiso-Xunbeedka Soomaalida

Horaaa loogu maahmaahay “Xunbo iyo xiisaba way dhacaan” Ogow soomalid, been way sheegtaaye kuma maahmaahdo.

Dhab ahaantii, soomaalida waa bulsho ku duwan dhankasta umaddaha  kale, gaar ahaan xagga dhaqanka. Waxaa lagu tiriyaa inay yihiin bulsho xiiso gaaban. Waxaana taas cadeyn kaaga filan, sida dhacdooyinka ama xaaladaha soo wajaha u gaarsiiyaan heerka ugu sarreeya, dhanka ugu sarreeysana ka eega, si xagjirnimana ula macaamila, taasoo ugu danbeyn sababta in xiiso-go’eedu soo degdego. Tusaale hakaaga filnaato dhacdooyinkii xasaasiga ahaa ee dalka soo maray iyo sida fudud ee loo iloobay.

W/Q  Abdinasir Safaana
Email: Safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid