UK oo ergey cusub u soo magacowday Somaliland

London (Caasimada Online) – Dawladda Ingiriika ayaa jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa.

Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq.

Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska.

Xiriirka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii waxay magaalada Hargeysa tegay xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com