Somaliland oo dhaqaale ku bixineysa shirkad Trump gaarsiisa codkeeda (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaya sida ay xiriir diblumaasiyeed ula sameyn laheyd dowlada Mareykanka oo ay ka dooneyso aqoonsi.

Maamulka ayaa dhaqaalahaasi siinaya shirkad lagu magacaabo Glover Park Group oo maamulkii hore ee Somaliland ka cawin jirtay talo siinta iyo xiriir laba geesood ah oo ay Somaliland la sameyso dowlada Mareykanka.

Heshiiska ay Somaliland la gashay shirkada GPG, ayaa waxaa dib usoo cusbooneysiineysa Wasaarada Arrimaha Dibadda maamulka Muuse Biixi, iyadoo markii hore heshiiska uu Somaliland u saxiixay Ex Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo lasoo shaqeeyay maamulkii hore.

Heshiiska ay Somaliland la galeyso shirkada GPG ayaa lagu wadaa in bishii lagu qarash gareeyo lacag gaareysa $22,000 Dollar.

Heshiiskii hore ayaa ahaa in shirkada loo kordhin doono lacagaha haddii ay ka mirro dhaliso wadahadalka ay ka dhex abuureyso Mareykanka iyo Somaliland, taa oo gaari doonta $99,000 oo dollar.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay inay dib usoo cusbooneysiineyso heshiiska maamulkii hore uu la galay shirkada, iyadoo maamulka Muuse Biixi ay iminka si wada jira shirkada uga wada shaqeyn doonaan xalinta baahida Somaliland ay u qabto aqoonsi iyo in Mareykanka ay kala xaajooto arrimaheeda gaarka ah.

Shirkada Glover Park Group ee magaceeda loo soo gaabiyo GPG ayaa la filayaa in howsheeda ay dib u bilowdo Bisha September ee aanu ku jirno.

Waxa uu qorshuhu yahay in maamulka Muuse Biixi uu shirkadaasi bil waliba ku bixiso lacag dhan $22,000 Dollar oo loo adeegsan doono fududeynta xiriir toosa oo dhexmara Somaliland iyo Mareykanka.

Ujeedka ugu weyn ay Somaliland dhaqaalaha ugu bixineyso shirkada ayaa ah inay hesho aqoonsi dowladnimo, waxaana suuragal ah in qorshooyinkeeda ay caqabad ku noqoto dowlada Somalia oo leh go’aanka gooni u goosashada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa dhawaan gashay Heshiis ceynkaasi ah oo lagu doonayo in dhawaqeeda lagu gaarsiiyo Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com