Madaxda GALMUDUG oo xilkii laga wada qaaday iyo Shaakir oo kusoo haray

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna.

Kulan maanta magaalada Dhuusamareeb ay ku yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen mooshinka ka yaalla Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed.

Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay maanta ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey.

Xildhibaano gaaraya 97 ayaa maalin kahor waxa ay mooshin ka dhan ah u gudbiyeen ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka  Galmudug oo xildhibaano ku shiray maalmo kahor Cadaado ay sheegeen inay isagaba xilka ka qaadeen.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay dastuurka Galmudug, ku tumashada xeer hoosaadka iyo inuu gabay waajibaadkiisa shaqo.

Xareed Cali Xareed oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 140 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Galmudug islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay.

Khilaafka Galmudug waxaa ka hadlay Maamul Goboleedyada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Federaalka ah.

Maamul Goboleedyada War-saxaafadeed ay soo saareen maanta waxaa ay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay faragelinta ka joojiso Galmudug,islamarkaana  Ciidamada qaranka aan loo adeegsan arrimaha ka jira Galmudug.

Marka laga aragti qaato Khilaafka Galmudug,qofka kaliya ee hadda xilka haya waa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo khilaafkan sheedda kala socda maaddaama uu u dhaxeeyo Galmudugtii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com