Xuseen Carab oo doonaya in lala hadlo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa waxaa kusii kordhaya dhaliilaha ay u jeedinayan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta rajada ka qaba in isbedel laga dhaqan galiyo dalka.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan  mudanayaasha baarlamaanka ayaa kamid ah Xildhibaanada dhaliilaha u jiidinaya dowlada Somalia waxa uuna tilmaamay in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay aad uga gaabisay  wadahadalka Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Carab waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay qaab khaldan u wajaheyso wadahadalka Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid gaabis ku imaaday.

Xildhibaan Xuseen ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay ku ololeeyeen in ay wax ka qabanayaan damaca Somaliland iyo gooni isu taagga islamarkaana wadahadal lagu dhameynayo wixii tabasho ah ee ay qabto Somaliland.

Xildhibaan Xuseen waxa uu tilmaamay in dowladd Federaalka aysan ilaa hadda qaadin hal tallaabo oo la isku dayayo in xal looga gaaro ama dib loogu billaabo wadahadalka dowladda dhexe iyo Somaliland.

Xil. Xuseen Carab ayaa yiri “Anigu halka arrin aan ku dhaliilayo DF Somalia waa mid cad oo u baahan wax ka qabasho waana in dib loo furaa wadahadalka Somaliland”

“Waa nasiib daro in dowlada Somalia aysan qaadin hal talaabo oo lagu raadinayo wadahadalka Somaliland, ballanka waxa uu ahaa in laga dhabeynaayo la hadalka Somaliland balse waxaa ii muuqata inaanu wali dhicin”

“Waxaan hubaa in la hadalka Somaliland ay dowladu u abuuri karto jawi degan oo lagu soo xiro galinkaro Somaliland, waa inaanu marka hore helnaa madax ay ka go’an tahay wadahadalka”

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan jadwalka ku darsan in xal waara laga gaaro khilaafka, waxa uuna su’aal ka keenay sida uu arinku noqon karo marba haddii aan wadahadal lala galin Somaliland oo diyaar ah.

Haddalka Xildhibaan Xuseen Carab ayaa kusoo beegmaya xili dhawan ay Somaliland soo dhaweysay wadahadal ay la gasho Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com