Iska jir wixii hadda kadib: Coca-Cola oo lagu darayo daroogada xashiishadda

Shirkadda cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxaa si weyn loogu yaqaannaa sameynta cabitaanno ay ku jiraan maaddada Caffeine-ta, hasayeeshee shirkadda ayaa haatan waxa ay u muuqanaysaa inay doonayso inay tijaabiso maadada kale ee xashiishadda.

Sida ay sheegayso warbaahinta BNN Bloomberg ee saldhigeedu uu yahay dalka Canada, shirkaddan wayn ee cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxa ay wadahadal ku jirtaa shirkadda maxalliga ah ee soo saarta xashiishadda ee Aurora Cannabis, si ay u sameeyaan cabitaan xashiishad lagu daray.

Cabitaankaasi ayaa la sheegay inaanan loogu talagelin in macaamiisha ay ku sarkhaamaan hasayeeshee waxaa looga gol-leeyahay in xannuunka uu ka baabi’iyo.

Shirkadda ayaa waxa ay diidday inay arrintaasi ka hadasho balse waxa ay sheegtay in ay si dhaw ula socoto suuqa cabitaannada xashiishadda.

“Sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya cabitaannada, waxaannu si dhaw ula soconnaa kobaca cabitaannada lagu daro xashiishadda gaar ahaan maadada Cannabidiol-ka, kuwaas oo qeyb ka ah cabitaannada caafimaadka loo cabo ee dunida laga isticmaalo,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkadda Coca-Cola.

Maadada Cannabidiol-ka asal ahaan waa xashiishad, waxa ay gacan ka gaysataa jebinta xanuunka iyo caabuqyada ku dhaca bini’aadamka, hasayeeshee malahan wax saameyn ah oo ay qofka ku reebayso.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalka Canada uu isu diyaarinayo inuu raaco dhabbihii ay mareen qaar ka mid ah gobollada Mareykanka kuwaas oo sharciyeeyay in xashiishadda madadaalo ahaan loo isticmaali karo, kaddib sanado dawo ahaan loo isticmaalayay.

Tallaabadaasna waxa ay horseedday in ay aad u bataan shirkadaha arrimahaas ka shaqeeya iyagoo weliba soo jiitay shirkado waa weyn oo maalgeliya.