Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Soomaaliland ayaa digniin adag u diray Siyaasiyiinta xilalka kala duwan ka qabta maamulkooda,balse hadana safar ku taga Muqdisho ee xilalka ka qabta.
Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu uga digayo Siyaasiyiinta u dhashay Soomaaliland ee xilalka u doonanaya Magaalada Muqdisho.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in kuwaas ay yihiin kuwo mansabkoodii dhaqaalo ku iibsaday sida uu hadalka u dhigay dano gaar ah oo ay ka eegeen maslaxdooda oo aanay ku jirin maslaxad guud.
Siyaasiyiin badan oo xilala kala duwan ka soo qabtay Somaliland ayaa marar badan lagu arkay magaalada Muqdisho,kuwaasi oo xil doon ah qaarkoodna xil loo dhiibay.
Maalmihii u danbeeyay ayaa warbaahinta waxay hadal heysay in Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Dr Maxamed C/llaahi Cumar Somaliland si dhuumaaleysi ah ku soo galay Muqdisho,islamarkaana uu haatanba ku sugan yahay,balse lama shaacin sababta uu uyimid.
Dhowr mar ayaa sidaan oo kale masuuliyiin Maamulka Soomaaliland ay digniin ugu direen Siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee Bulshada ee soo aadaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.