Sawiro: Xasan Sheekh oo si lama filaan ah siyaasadda ugu soo laabtay (Maxaa soo kordhay?)

Johannesburg  (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka South Africa uga qayb galaya shir looga hadlaayo caqabadaha haysta Africa, waxaana ka qayb galaya qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaashii soo maray Africa.

 Xasan Sheekh oo muddo lix bulood ah ka gaabsaday K/Afrika ayaa hadda ka qeybgalaya shirweyne ay soo qabanqaabisay Hay’adda Thabo Mbeki Foundation oo looga hadlayo xaaladda siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha Afrika.

Shirkaan ayaa lagu soo waramayaa inay soo qaban qaabisay Hay’adda Thabo Mbeki Foundation, waxaana diirada lagu saarayaa arrimaha ku aadan Nabadda, Dowlad wanaaga, Siyaasadda iyo arrimaha Bulshada.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay ujeedka safarkiisa inuu ku qotomo ka qayb galka Shirkaasi oo madaxdii hore ay isla wadaagi doonaan sida Afrika muhiim ay ugu tahay in xal loo helo caqabadaha haysta.

Shirka waxaa ka qeyb galayaan hogaamiyaashii hore ee Qaarada Afrik. Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay qeybaha Warbaahinta markii uu gaaray dalka K/Afrika ayaa sheegay inuu halkaasi u tegay ka qeybgalka shirka ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika.

“Dalkan South Africa waxaan u imid in aan ka qayb galno shir ay ka qayb galayaan Madaxweynayaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad waxgarad ah kaas oo looga hadlaayo hogaanka Qaaradda waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa lagu qabanayaa Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, iyadoo la filaayo gaba gabada shirkaan in la soo saaro waxyaabaha madaxda ay isla garteen.

Madaxdii hore ee dalalka South Africa, Tanzania. Tunisia, Nigeria, Somaliya iyo qaar kale oo madaxdii Afrika soo martay ka mid ah ayaa Shirkaan ka qayb galaya.