Muuse Suudi weli waa muhiim

Muuse Suudi Yalaxow mudanaha aqalka odayaasha ugu afka dheer, ama aan si kale u dhahee midka ugu hadalka kulul, Beeshu wali waa xisaabtamaysaa.

Xaaji Muuse ayaa u muuqda mid la heysta ama yaqaana doorkiisa shaqo, hada ka hor iyo hadaba waa mid beeshiisa aan kaga tagin meel cidlo ah, ha is dhihin muxuu wali qabiil ugu doodaa Muuse ileen dhamaan matalayaasha siyaasadda Somalia ayaa qabiil ku yimid kursiga, hada ma midka reerkiisa u hadla ayaa ugu fariidsan siyaasada maanta jirta ?, haa ayey noqon doontaa jawaabtu inta ay odayaasha, haweenka iyo dhalinyaradda wax baratay ee beeshu maalin walba ku qabsadaan xildhibaanadda ,wasiiradda ,iyo madaxda sare wax noo qabta madaama aad kursigeenii qaadateen, sidaa darteed siyaasiga dadkiisa ayaa ku qasba inuu u hadlo.

Doodii uu jeediyay asbuucan waxey soo celisay murankii beelaha, saamigii kursiga Ra’iisul wasaaraha iyo inta ay la egtahay awoodda aqalka sare ay u lee yihiin la xisaabtanka xukuumadda, Muuse Suudi sida uu u hadlo marka la eego waxa ay u muuqata inuu wali muhiim u yahay beeshiisa iyo aqalka odayaasha oo malaha garan la’a meel ay raacaan, jiilaal kasta Muuse Suudi waa u deyr.

Maxaa horta Muuse loo keenay aqalka sare ?, Ma ogi ee Qeybdiid, Faroole ,Dhagey Geele, Dhagdheer iyo Fartaag maxaa keenay ? haa aqalka sare waxaa loola jeeda miyaa “Guriga lagu saxo qoondada qabiilka “ wax u dhow waxa jira ayaad sheegtay , haa markaas Muuse waa saxanyhay waana muhiim waxaanse ka xumahay in uusan Jeneraal Moorgan ka mid aheyn aqalka sare.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com