Somaliland oo ka carootay tallaabo ay qaaday ILHAAN

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed o qoraal kooban soo dhigtay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ayaa ugu jawaabay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, taas oo dhowaan ka hortimid heshiiska uu Muuse la galay ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya.

Somaliland ayaa eedeyn yaab leh u jeedisay Ilhaan, taas oo ah in ay colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida, isla markaana aysan ahayn markeedii ugu horreysay.

Wasiir Cali Xasan ayaa sidoo kale qoraalkiisa uu eedda ugu jeediyay Ilhaan ku sheegay in xittaa ay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan la joogo waqtigii Ilhaan Cumar lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.

Eedeyntan ayaa kusoo aadeysa, xilli ay Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ay maalmo kahor ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis, looguna dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay iyadu difaaci doon badda.

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.” ayay horay u tiri Ilhaan Cumar.

Arrintan ayaa timid, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya, waxaana gobolka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan.