Soomaaliya oo khatarta heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya la wadaagtay dalalka…

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wada dadaallada ay ku dooneyso in caalamka ku tusto khatarta heshiiskii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Danjire Abuukar Cabdi Cusmaan oo kulan la yeeshay safiirada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay dalkaasi ayaa warbixin ka siiyay danjireyaasha fara-gelinta iyo ku xad-gudubka qaawan ee Ethiopia kula kacday Qaranimada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Ethiopia ay is-afgarad (MoU) sharci-darro ah ku xalaalsanayso dhulka, badda iyo khayraadka cegaaga badda iyo dhulka Soomaaliya, ayna la saxiixatay maamulka Somaliand oo ah kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay safiirada dalalka Carabta u soo bandhigay in is-afgaradka Ethiopia iyo maamulka Somaliland kala saxiixdeen aanu khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya, balse uu halis ku yahay calaamka gaar ahaan dalalka Bariga Dhexe, Asia iyo Geeska Afrikaba, kuwaasi oo kulaala biyaha Badda Cas.

Danjire Abuukar ayaa ugu dambeyntiina wuxuu mahadnaq ballaaran u jeediyey dowladaha Carabta iyo qaraarkii Jaamacadda Carabta ay ka soo saartay, kaasi oo ay ku taageereen go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya uga hortimid heshiis beenaadkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii Addis Ababa, oo Ethiopia lagu siinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekb uu saxiixay xeer burinaya is-afgaradka sharci-darrada ah ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Somaliland.

Si kastaba, Ethiopia ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo la xiriira heshiiskaan, kadib markii ay Soomaaliya kaga adkaatay dhanka diblumaasiyadda, ayna inta badan dalalka caalamka la safteen, kuna garab istaageen go’aanka ay ka qaadatay xad-gudubka xukuumadda Abiy Axmed.