Somaliland oo fariin usoo dirtay madaxda urur goboleedka IGAD (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa fariin codsi ah u diray madaxda urur goboleedka IGAD ee maalinta beri ah la filayo iney shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale ayna doonayaan xaqa ay helaan wadamada IGAD ka tirsan.

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in Somaliland ay kamid tahay dalalka ku yaala bariga qaarada Africa, ayna doonayaan iney helaan xuquuqda ay leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan halkan jecelahay in aan fariin uga  diro urur gobaleedka IGAD waxaanan halkan ka cadeynayaaa in Somaliland  tahay waddan ka mid ah wadamada Geeska Africa  dadkiisa iyo dalkiisuna xaquuq ku leeyahay Ururka IGAD  loona baahan yahay in xaqiisa la siiyo wax kasta oo waddan xaq u leeyahay na la siiyo isla markaana qadiyada Somaliland  ay ka mid noqoto qadiyadaha ajandaha ugu jira  isla markaana hor yaala Waddamada IGAD markaas waxaa mihiim ah  in urur gobaleedku xaqeeda siiyo Somaliland ” ayuu yiri wasiir sacad Cali Shire .

Somaliland oo markii micno ahaan magacooda uu noqonayo dhulkii Soomaaliyeed ayaa sheegata iney ka go’day Somaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991 balse dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsan, waxaana socda wadahadalo lagu mideynayo Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com