DF oo soo saartay digniin culus iyo shirkado si gaar ah loogu digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ah in laga bilaabo 11  September aanan lagu arki Karin Magaalada Muqdisho dhexdeeda Askeri hubeynsan oo ka mid aheyn Hay’adaha Amniga loo xilsaaray keliya.

Sidoo kale waxay Wasaaraddu ku wargelinaysaa dhamaan Ciidamada Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay inaysan wax dhaqdhaqaaqa ah ka dhex sameyn Karin caasimadda lga bilaabo 11ka Saptember ilaa Shirka IGAD uu  ka dhamanayo.

Ciddii mudadaasi gudaheeda lagu arko Caasimadda dhexdeeda waxaa laga qaadi doona talabo waafaqsan sharciga.

amniga