Xog: Aqalka sare oo shax cusub lagu qeybsanayo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogta aanu ka heleyno ilo ku dhow madaxda Madasha Qaran ee wadatashiga ayaa sheegaya in isbedel lagu sameynayo xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii la isku mari waayey shirka oo maanta lagu kala kacay, waxaana xal loo arkay qorshahan cusub.

Heshiiskan cusub ee Madasha oo la saxiixi doono marka la isku laabto, ayaa ka dhigaya Aqalka sare mid ka kooban 54 xubnood, wuxuuna meesha ka saaraya arrimaha soo socda:

Labadii Xubnood ee beelaha banaadiriga laga siiyay Aqalka sare laguna go;aamiyay shirkii Baydhaba.

Labadii Xubnood ee Puntland loogu daray laga soo jaray Somaliland. Arrintan ayaa guul u ah Cabdikariim Xuseen Guuleed oo si aad ah uga soo horjeeday.
3 – In Gobolka Banaadir aanu wax xubno ah ku yeelan Aqalka sare. Dadka Muqdisho ayaa u muuqda kuwa mar kale la xaqiray.

Arrintan ayaa ugu danbeyn ay isla qaateen madaxda Madasha kadib markii la isku mari waayay xubno la doonayay in loogu daro Gobolka Banaadir, waxaana heshiiska oo la saxiixay lagu wadaa in la shaaciyo dhowaan.

Somaliland 11 Xubnood

Puntland 11 Xubnood

Galmudug 8 Xubnood

Jubaland 8 Xubnood

Koonfur Galbeed 8 Xubnood

Hiiraan/ShabeeladaDhexe 8 Xubnood

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com