Ahlusuna oo xabsiga dhigtay culimo caan ah (Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo taabacsan Maamulka Ahlusunna Waljamaaca Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa goordhow xabsi dhigay Culimo la sheegay in deegaanada maamulka ay macruuf ka ahaayen.

Culimada la xiray ayaa la sheegay inay kamid ahaayen Sheekh Cismaan Xalaf, Sheekh Saciid Macalin C/raxmaan iyo Macalin Cumar Macalin Xasan oo kamid ah culimada Ahlusunna.

Culimada la xiray qaarkood ayaa waxa ay Ahlusunna usoo qabteen xilal kala duwan, walow aan la sheegin sababta loo xiray culimadaani.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in saacado un kadib culimadaasi laga sii daayay xabsiga kadib markii Wadahadal uu dhexmaray Ahlusunna iyo Culimadda Gobolka Galgaduud ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ahlusuna weli kama aysan hadal xariga iyo deysmada Culimadaasi caanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com