Somaliland oo Hay’adda ICAO uga dacwooneysa wareejinta Hawada Somaliya

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu dacwad u gudbiyay Hay’adda maamusha Hawada ee ICAO taas oo dhawaan dowladda dhexe ku wareejisay maamulka Hawada Dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wafdi uu isaga hoggaaminayo ay bishan dhexdeeda tagi doonaan dalka Canada oo ah xarunta Hay’adda ICAO si ay ugala hadlaan wareejinta hawada oo uu sheegay in Somaliland lagu xadgubay.

Waxaa uu sheegay in Somaliland xaq u leedahay Hawadeeda islamarkaana aan loo maamuleyn haddiiba ay dhaceyso in Soomaali lagu celiyo,waxaan uu xusay in dacwad gudbiyeen sidoo kalena wafdi wasiirro ah ay tageyaan Dalka Canada oo arrintan ka dacwooda.

Dhinaca kale Waxaa uu wasiirku sheegay in wadahadallada Somaliland iyo dowladda dhexe ay dib u billaabanayaan dhawaan,isaga oo xusay in markan ay ka duwanaan doonto sidii hore islamarkaana markan ay miradhal ah laga filanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com