Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha oo eedeyn lagu bilaabay isaga oo aan weli qadeyn!!

Marka la leeyahay xilka Soomaaliya lagaaga dhiibo waa mid musiibo iyo eedeyn ah waxaa caddeyn ku ah eedeynta durba lagu bilaabay wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirkii oo aan xafiiskiisa fadhiisan weliba aan hal xilli oo qado ah qaadan ayaa lagu eedeeyey inuu xilkaan u qabtay si uu u fuliyo dano dhanka Ganacsiga ah sida lagu faafiyey qeybo badan oo kamid ah baraha Bulshada.

Soomaalida waa dad eedeynta ee kala fududahay biyo la cabo, qofka marka la eedeenayo waa inuu waqti qaataa, wax qabtaa, la arkaa waxa uu saxo iyo sidoo kale waxa uu qaldo.

Qofka qaladkiisa laguma eedeeyo ee waxaa loo tilmaamaa habka ugu fudud ee uu u sixi karo qaladka uu galay, balse eedeynta Soomaalida ayaa asal ahaan salka ku heyso dano siyaasadeed, naceyb beeleed iyo dad uu Alle u sameeyey inay wax eedeeyaan oo kaliya.

Qofka Bini’aadamka sida ugu wanaagsan waa in la xukmiyaa ficilkiisa oo aan la xukimin waxa qalbigiisa ku jiro, weliba aan kuusii raaciyo Cabdi Maxamed Sabriye inta aan aniga ka aqaan waa qof wanaagsan oo waayo aragnimo uu xilkaan uga bixi karo leh.

Sida uu fikirkeyga yahay dadka soo qorayo eedeymahaan ku qotomo ganacsi iyo waxyaabo aan caqli gal aheyn  ujeedkooda koowaad waa inay iska hor keenaan Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ee hadda u bisil dowladnimada iyo wax wada qeybsiga.

Wax lala yaabo ayey ila noqotay inaan arko  eedeynta loo soo jeediyey  Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha, is waydii adiguba goormee Soomaaliya hormar gaareysaa haddii qof kasta la eedeeyo, weliba qof aan weli xil la wareegay oo aan xilka cusub heyn xataa 12 saac.

Waxaa ii muuqato inay weli jiraan Soomaali badan oo aan dooneyn horumarka iyo xasiloonida wadanka, ma aqaan anigu danta ugu jirto foodo iyo dowlad la’aan koleyba iyagaa arrintaas ka jawaabi doono.

Balse fiiri oo si taxadar leh u akhri waxyaabahaan lagu soo qorayo baraha Bulshada iyo websiteyada qaar ee haddana is waydii halka ay Soomaaliya u socoto!!

Waxaa qoray: Ibraahim Nuur Waasuge

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid