Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii Cawad ee ku saaabsanaa DP World

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay eedeynta dowladda federaalku u jeedisay dowladda Imaaraadka, gaar ahaan shirkadeeda DP World.

Somaliland ayaa hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ku macneysay mid khal-khal gelin weyn ku sameynaya xiriirka wanaagsan ee Somaliland iyo Imaaraadka.

Qoraal dheer oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya aysan ka dhaxeyn wax wada-hadal iyo is-fahan ah oo horseedi kara inuu hoos u dhaco meeqaamka xiriirkooda Imaaraadka carabta.

Qoraalkaasi oo ku qornaa luuqada Carabiga, ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixiso sidii ay isku hortaagi laheyd mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee ay dowlada Imaaraadku ka wado gudaha deegaanada Somaliland, waxaana lagu yiri:

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta”.

“Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin”.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan”.

“Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso”.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Wareysi uu siiyey Telefishanka Al-Arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maal-gelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin ka wado gudaha Soomaaliya, midaasi oo si weyn uga gubatay Somaliland.