Madaxweyne WAARE oo shaaciyey go’aan lama filaan ku noqday Villa Soomaaliya

Jowhar (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, islamarkaana ku qornaa Af-Soomaali iyo English ayaa waxaa looga hadlay baaqii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa HirShabelle waxa ay ku sheegtay inay ku soo dhaweyneyso shirka uu ku baaqay guddoonka Aqalka Sare, si looga arrinsado xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Waare ayaa sidoo kale shaaciyey inay HirShabelle diyaar u tahay shirkaasi, islamarkaana ay uga qeyb-galeyso, si sharuud la’aan ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku haya arrimaha doorashada inay u turaan dalka iyo dadkooda, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada.

Warka ka soo baxay HirShabelle ayaa ku soo aadaya, iyadoo maamullada qaar sida Puntland ay shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka shirkaasi oo ah mid muhiim ah.

Waare ayaa ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee la rumeysan yahay inuu xiriirka dhow kala dhaxeeyo Villa Somalia, isaga oo uu wehliyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Lafta-gareen. Qoraalka kasoo baxay ayaa cadaadiska ku kordhinaya madaxweyne Farmaajo oo diidan la-kulanka madax goboleedyada.