Xog: Shariif iyo Xasan oo 2 sabab ku diiday la-kulanka madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad ka diiday dalab ah iney la kulmaan Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore ayaa guddoonka u sheegay in aysan la kulmeynin Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay iska laabtaan guddoonka Golaha Shacabka ee dalabka waday.

Caasimada Online ayaa heshay qodobo ay sabab uga dhigeen mas’uuliyiintaan in aysan la kulmaynin Farmaajo.

Labada hoggaamiye ayaa rumeysan in Farmaajo aysan daacad ka ahayn kulanka, islamarkaana aanu dooneyn xal siyaasadeed, balse taas beddelkeeda uu rabay inuu qaldo ra’yi caamka iyo indhaha beesha caalamka.

Xasan iyo Shariif ayaa rumeysan in haddii madaxweynaha uu xal rabo uu ogolaan lahaa inuu la kulmo madaxda maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda uu ka cago jiiday, balse qorshihiisu ahaa inuu cadaadiska beesha caalamka isaga yareeyo la-kulanka labada madaxweyne, iskuna muujiyo nin mucaaradka la fariisanaya.

Waxay sidoo kale sheegeen in Farmaajo uusan kasoo bixin qodobadii horey loogu heshiiyey waxayna Mursal ku yiraahdeen “Madaxweynaha hadda ka hor ayaa la kulanay waxaana ku heshiinay lix qodob hal xabo oo kamid ahna waxba kama qaban xataa iskuma dayin, sabab aan hadda ula kulano ma jirto.

Waxaa sii adkaanaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyadoo ay sii kala tagayaan dhinacyada siyaasadda dalka, waxaana kordhaya cadaadiska madaxweynaha ay ku beesha caalamka ku saareyso inuu la kulmo madax goboleedyada iyo mucaaradka.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa qaba walaac xoog leh oo ku saabsan xaaladda wadanka waxaana cabsi laga qabaa in xaaladda intaan ka sii adkaato, haddii aanu madaxweynaha soo dabcin.