CC Shakuur oo shaaciyey farqiga u dhaxeeya hadalkii Farmaajo iyo midka Khayre ee doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaraadka ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeyo hadaladii Madaxweyne Farmaajo iyo midkii Ra’isul wasaare Kheyre ee ku saabsanaa doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hadalka Farmaajo laga dhadhansan karo muddo kororsi, midaasna ay tahay sababta ay u diidan yihiin hadalka Madaxweynaha, oo ay u taageereen midkii kasoo yeeray Ra’isul wasaare Kheyre.

“Ra’iisul wasaaraha hadalkiisa waa run waa soo dhaweynay; annaga wuxuu noogu muuqday xisbi ahaan markaan ka tashanay, dadkoo baddanna waa soo dhaweeyeen – maamul goboleedyadda iyo xisbiyadda intaba waa soo dhaweyeen – waxaan u soo dhaweynay waxay tahay ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay saddex qodob; doorashadda in ay xiligeeda ku dhacdo, wuxuu kaloo sheegay noocay rabto ha noqoto ayuu dhahay that means [taas macnaheedu] waxay u furan tahay in ay dadku kawada hadlaan doorasho xiligaas ku dhici karta; wuxuu kaloo sheegay in saamileyda siyaasadda ay kala xaajoonayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Isagoo hadalka sii wato ayuu sheegay in madaxweynaha uusan isaga intaas oo kale sheegin balse uu ku hadlay hadalo caksi ku ah hadalkii uu sheegay Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

“Madaxweynaha ma sheegin; wuxuu kaloo [Khayre] sheegay in ay doorashadu xudun u tahay xasiloonida dalka, madaxweynaha ma sheegin, madaxweynaha caksideeda ayuu sheegay; madaxweynaha wuxuu sheegay in uu dhiig daadanayo; dhalinyaradda ayuu ka hadlay wuxuu yiri ‘dhalinyaroy yaan kursigiina dhiig lagu gaarin’ waxaa dadkii is-waydiiyeen markaa; madaxweynaha dhiigaan daadanayo uu ka digayo muxuu yahay?” ayuu u sheegay telefishinka Dalsan Tv.

Cabdiraxmaan ayaa sababta madaxweynaha uu u dhahay dhiig ayaa la daadinayaa ku sheegay inay tahay kursi jaceyl iyo inuu madaxweynaha doonayo inuu isku sii dhajiyo kursiga.

Ugu dambeyntii wuxuu madaxweynaha ku dhaleeceeyey inuusan fahamsaneyn waxay tahay doorashada iyo waxa ay uga dhigan tahay dalka, wuxuuna Cabdiraxmaan xusay in doorashooyinka ay ka qeyb qaataan xasiloonida dalka.