Madaxweyne ku xigeenkii dowlad deegaanka oo loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Kulan uu maanta magaalada Addis Ababa ku yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay guddoomiye Soomaali ah loogu doortay golahaas.

Aadan Faarax Ibraahim, oo dowlad deegaanka Soomaalida kasoo noqday Madaxweyne ku xigeen ayaa maanta cod aqlabiyad leh loogu doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Itoobiya.

Guddoomiyahan cusub ayaa siyaasi caana ka ah dalka Itoobiya, waxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay deegaanka Soomaalida, isagoo hadda ahaa madaxweyne ku xigeenka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Guddoomiye Aadan ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee xil sidaasi u sareeya ka qabta dowladda Itoobiya, iyadoo golaha Aqalka sare ee dalkaas oo ka kooban 153-Xubnood ay Soomaalidu ku leedahay lix kursi oo kaliya.

Dalka Itoobiya waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada dib loo dhigay, waxuuna guddoomiyahan cusub bedelayaa Kheyriya Ibraahim oo maalin ka hor xilkaas iska casishay, kadib markii ay ka war heshay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy mudada xil heynta look or dhinayo, iyadoo maanta waqti aan la cayimin dib loo dhigay doorashiiyinkii guud ee dalka Itoobiya.

Horay golaha Aqalka Sare waxaa guddoomiye ku xigeen uga ahaa Maxamed Rashiid Xaaji oo isna ah Soomaali, waxuuna maanta xilkaas uga tegay si iskiis ah, maadaama guddoomiyaha la doortay ay kasoo wadajeedaan ismaamulka Soomaalida.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare waxaa isla maantaba loo doortay Itsegenet Mengistu.