SOMALILAND oo joojisay dawooyinkii uga iman jirey Xamar kuna xirtay shuruud

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii u horeysay shaaca ka qaaday inay waqti xaadirkan joojisay dhamaan daawooyinkii ka iman jirey magaalada Muqdisho.

Somaliland ayaa daawooyinkaasi looga keeni jirey Muqdisho waxay shuruud uga dhigtay inay sitaan waraaq ay bixiso Hay’adda dhawrista tayada Somaliland, oo lagu sheegay in lagu hubiyo bad qabka daawooyinkaasi.

Daawooyinkaasi hore uga imaan jirey magaalada Muqdisho ee la keeni jirey gudaha Somaliland, ayaa waxay markii hore Madaarka Hargeysa kaga soo dagayeen iyagoona wax shuruud ah ama waraaq ah lagu xidhi jirin.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrist tayadda Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo hor tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland, ayaa waxa uu si rasmiya u sheegay in daawooyiinkii ka iman jirey Muqdisho ee inta badan ka soo dagi jirey madaarka Hargeysa ay joogsadeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay Madaarka Hargeysa ku qabteen daawooyin dhacay oo uu ku sheegay inay ahaayeen Koonteenar dhan, isla markaana uu Somaliland soo galinayey Nin cadaan, isagoona ka gaabsaday inuu sheego halka ay ka imaadeen.

“Waxa jiri jirtay dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan, waxayna ka soo gali jireen madaarka” ayuu yiri Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa markii ugu horaysay dalka soo galay koontiinar dhan oo dawooyin dhacay ah oo aanu madaarka ku qabanay oo nin ajaanib ah lahaa oo aanu isagna ka qaadnay talaabo ku haboon oo sharcigu uu noo ogolaanayo”

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay isagoo Guddiga golaha uga warbixinaya Howlaha Hay’adda dhawrista in gudaha Somaliland ay ka joojiyeen shirkado iyo warshado hore uga howl-gali jirey kadib markii ay baadheen heerka uu gaadhsiisan yahay tayada wax soo saarkoodu.