SOMALILAND oo ka been sheegtay ‘qodob’ ku jiray war-murtiyeedkii JABUUTI

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay sheegtay inuu qaldan-yahay qodob kamid ah war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in qodobka lagu xusay in labada dhinac ay wada maamulayaan hawada Somaliland, uu yahay qalad ka dhacay xubnihii soo saarayey war-murtiyeedkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha qaladkaasi ka dhacay ee qoray war-murtiyeedkaasi ay raali-gelin ka siiyeen xukuumadooda, isla markaana ay dib u sixid ku sameynayaan.

Waxaana hadalka Wasiirka kasoo wareegay muddo ka badan 24-saac ah, ilaa haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Jabuuti ama dib u sixid lagu sameeyay war-murtiyeedkaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid ka been sheegtay ‘qalad’ ahaanta qodobkaasi, maadama aysan jirin meel si cad loogu soo bandhigay, iyada oo la rumeysan yahay in hadalka Wasiirka lagu dajinayo shacabka reer Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaa iyadu si rasmi ah u baahisay war-murtiyeedkaasi, iyada oo aan wax sixid ah ama iftiimin ah ku sameyn qodobka uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland inuu yahay qodob qaldan oo aan ku jirin war-murtiyeedka.

Madaxda Somaliland ayaa u muuqda kuwo wax badan ka tanaasulay qadiyada gooni isu-taaga ee muddada badan ay ku doodayeen, sida ay aaminsan-yihiin qaar kamid ah mucaaridka Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya, isla markaana ay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyada, walow aysan jirin aqoonsi caalami ah oo ay ka heshay beesha caalamka.