SOMALILAND oo ka digtay ‘xeelad looga guuleysan karo’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka digtay xeelado ay sheegtay inay kaga faa’iideysan karaan cadowgeedu, kuwaasi oo khal-khal gelin karaya nabad-gelyada ay mudada badan ku naaloonaysay Somaliland.

Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, ayaa sheegay in xeeladahaasi looga faa’iideysan karo Somaliland, ay kow ka tahay dagaalka beeleysan ee inta badan ku soo noq-noqday deegaano ka tirsan maamulkooda, kuwaasi oo horseeday khasaaro nafeed.

Faratoon ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto ilaalinta nabad-gelyada, iyada oo gacmaha la iswada haystana laga hortago cadowga uu sheegay inuu ka faa’iideysanayo dagaaladaasi.

“Ha laga digtoonado dagaal beelaysan iyo xeelad kasta oo cadageenu inaga ga faa’iidaysan karo, isku duubnideena iyo ilaalinta nabadgalyadeena meel aynu uga soo wada jeedsano, qabyaaladdana ha laga dheerado” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, isagoona soo jeediyey in loo dhago nuglaado oo la qaato talooyinka caafimaad ee looga hortago cudurkaasi, wuxuuna yiri:

“Xanuunka Coronvirus maaha xanuun sahlan oo la fududaysan karo, mana ah xanuun la mid ah xanuunnada kale ee jira, waa xanuun sababay inay dad badan oo ku kala nool daafaha dunida iyo qaaradaha dunida u dhinteen, dad badana u liitaan, waana xanuun si yar oo fudud loo kala qaadayo, si deg-degna u fidiya, waxaana tusaale inoogu filan qaabka uu xanuunkani go’doonka u galiyey caalamkii”.

“Sidaas awgeed in la qaato awaariinta lagaga hor tagayo xanuunkan ayaa haboon, wacyigelinta iyo awaamiirta ay Dawladdo waddana maaha in la fududaysato, ee waa in sidooda loo qaadata, maxaa yeelay Dawladdu dadkeeda lexejeclo ayey ka qabtaa, xaalad kasta oo ay ku badbaadinaysana waa u diyaar inay ku dhaqaaqdo, qaadkana sababta loo joojiyey waa in taxadir badan la sameeyo”.