Somaliland oo shaacisay natiijada dad horleh oo laga baaray cudurka COVID-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay natiijada kasoo baxday baadhitaano lagu sameeyay dad looga shakisanaa cudurka Coronavirus, oo ku sugan gudaha deegaanadeeda.

Somaliland ayaa sheegtay inay 11-qof ka baartay xanuunkaasi, iyadoona dhowaan dheecanadooda u dirtay dalka dibadiisa si loo soo xaqiijiyo inay qabaan iyo inkale.

Wasaarada caafimaadka ee Somaliland ayaa xaqiijisay in gebi ahaanba 11-kaasi qof ee laga baaray cudurka ay ka bad-qabaan oo laga waayey caabuqa, isla markaana laga fasaxay goobihii karantiilka.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in uu hal ruux ka bogsaday cudurkaasi, kaasi oo kamid ahaa lix qof oo ay hore u shaacisay, iyadoona xustay in shan kale oo cudurkaasi la nool ay weli xaaladoodu wanaagsan tahay.

Somaliland ayaa dhowaan shaacisay 13-kiis, taasi oo Kiisaska guud ee laga helay ka dhigaysa 19-kiis oo la xidhiidha cudurka safmarka ah ee Coronavirus ama Covid-19, midaasi oo sarre u sii qaaday cabsida laga qabo in cudurkaasi uu si weyn ugu dhex faafo deegaanadeeda.