Somaliland oo ka war-heysay xubnaha DFS uga qeyb galayey shirkii Istanbul

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo maalin ka hor waxaa fashil uu ku yimaaday shir la qorsheynayay iney yeeshaan xubno kala matalayay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu horay u ogaa xubnaha dowlada Soomaaliya u matali lahaa shirkii ku qabsoomi waayay dalka Turkiga.

Xubno sare oo qeyb ka ahaa kulankaasi ayaa u sheegay Caasimada online in maamulka Somaliland Email ahaan loogu diray magacyada dowlada Soomaaliya u matali lahaa shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xubnaha ayaa sidoo kale sheegay inay wanaagsaneyd in xiligaasi jawaab cad ay bixiyaan haddii ay diidayaan iyo haddii kale, dhankoodana waxay soo gudbiyeen xubnaha shirka u matalaya.

Taasi ayaa la sheegayaa inay cadeynayso inay qorsheeyeen inuu fashil ku yimaado wadahadalkii la doonayay inay yeesheen xubnaha dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com