26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Xog: Xiriirka Jabuuti iyo Somaliland oo burbur qarka u saaran kaddib markii…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay baahisay mid kamid ah Warbaahinta kasoo baxda Magaalada Jabuuti, ayaa sheegeysa in qarka uu saaran yahay Heshiiskii ka dhexeeyay Maamulka Somaliland iyo Dowlada Jabuuti.

Waxa ay baahisay warbaahintaasi in tani ay sabab u tahay Burburkii ku dhacay Shirka wadaxaajoodka DF Somalia iyo Somaliland.

Waxa ay sheegtay in Warqado Sir ah oo ay DF Somalia ka gudbisay Somaliland ay xumeysay Xiriirka Jabuuti ay la laheyd Somaliland, kadib markii DF Somalia ay Jabuuti ku wargalisay in wixii intaani kabadan aysan u saamaxeynin in Maamulka Somaliland ay lasii wado wada hadalka.

Sidoo kale, Dowlada Jabuuti oo ku taameyso in Somalia ay isku imaado, ayaa hadda waxa ay bilowday inay dhabarka xajiso Maamulka Somaliland islamarkaana xoojiso xiriirka ay la laheyd Somalia, taasi oo sababteeda lagu sheegay in Somaliland ay had iyo jeeral ay xooga saarto in la qadariyo Fikradaheeda, balse aysan ahmiyada siin kuwa kale.

Waxaa hadda socda wada hadalo hoose oo u dhexeeya DF Somalia iyo Dowlada Jabuuti, kaasi oo ay uga wada arinsanayaan go’aan laga gaaro wadaxaajoodyada aan miro dhalka laheyn ee u dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News