Somaliland oo Mareykanka u yaboohday laba waxyaabood si ay uga beddelato aqoonsi

Washington (Caasimada Online) – Somaliland ayaa militariga Mareykanka u yaboohday deked iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla marin badeed muhiim ah, ayada oo uga bedelaneysa tallaabooyin ku wajahan in loo aqoonsado dal madax-banaan.

Isaga oo rajeynaya inuu ka faa’iideysato walaac sii kordhaya oo Mareykanka uu ka qabo is-ballaarinta Shiinaha ee Afrika, ayaa madaxweynaha Somaliland wuxuu qorsheynayaa inuu bisha March booqdo Washington, halkaasi oo la filayo inuu ku sahmiyo xiisaha Mareykanka ee ku aadan isticmaalka xarumo ku yaalla magaalada Berbera.

Berbera waxay ku taallaa Gacanka Cadan, oo ah marin muhiim ah oo xiriiriya Badweynta India, marin biyoodka Suez iyo Badda Meditareeniyaanka.

“Madaxweynaha wuu soo dhoweyn lahaa joogitaanka Mareykanka iyo inuu ilaaliyo mari-biyoodyadan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Ciise Kayd oo wareysi siiyey Wargeyska Wall Street Journal ee Mareykanka.

“Mareykanka waa inay si deg deg ah falcelin u sameeyaan,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa mudod 30 sano ah wadday olole ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee dadaalkan cusub ayaa imanaya xilli ay haysato fursan weyn.

Waxaa jira niyadjab ay Washington ka qabto dowladda federaalka ee Muqdisho, oo dhowr jeer dib u dhigtay doorashooyinka, islamarkaana ku lug yeelatay khilaafyo siyaasadeed oo dhexdeeda ah, taasi oo dhalisay guuldarro ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Niyadjadbka laga qaaday dowladda federaalka, oo ay wehliyaan walaacyada ka dhashay dagaalka dalka deriska ah ee Ethiopia iyo afgambiga militari ee Sudan, ayaa dhaliyey in Congress-ka Mareykanka uu dabacsanaan u muujiyo Somaliland oo ku guuleysatay doorashooyin Dimoqraadi ah iyo nabad.

“Xasillooni darrada sii socota ee Geeska Afrika iyo tartanka caalamiga ah ee loogu jiro kheyraadka iyo saameynta ayaa ka dhigaya muhiim inaan la shaqeyno saaxiibada nagu aragtida ah ee gobolka sida Somaliland oo ay ka go’an tahay nabad, dimoqraadiyad iyo barwaaqo,” waxaa sidaas yiri Senator Jim Risch, oo ka mid ah xubnaha ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga ee ku jira Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate-ka. 

Si kastaba, maamulka Biden ayaa ku adkeysanaya siyaasadda Mareykanka ee ah in Soomaaliya ay tahay hal dal, oo Somaliland ay ku jirto. Sidoo kale dowlado badan oo Afrikan ah ayaa aqoonsi ay hesho Somaliland u arka inay dhiiri-geli karto inay ayagana wajahaan gooni u goosad dalalkooda ka dillaaca.

Ayada oo ay sidaas jirto, ayaa haddana Diblomaasiyiinta Mareykanka aysan qarin sida ay uga niyadjabsan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marar badan dib u dhigay doorashada iskuna dayey muddo kororsi.

Sanadii 2017, Shiinaha ayaa saldhig militari ka sameystay dalka Jabuuti, oo ku dhegan Somaliland, meel u dhow marinka Bab el-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Inkasta oo Jabuuti aysan muujin inay sidaas dooneyso, haddana waqti kasta ay xiri kartaa saldhigga Mareykanka ee dalkaas, taasi oo militariga Mareykanka ku qasbi karta inay raadiyaan mid cusub.

Somaliland ayaa u aragta loolanka quwadaha adduunka inuu u furayo albaab ay ku xaqiijiso aqoonsi caalami ah. 

“Haddii Shiinaha ay awood ku qabsadaan dalkeena, ama siyaabo kale, markaas marinka oo idil ayagaa maamuli doona,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd.

Bishii August 2021, diyaarad militari oo Mareykan ah ayaa cago dhigatay garoonka Berbera, halkaasi oo saraakiil Mareykan ah ay qiimeyn ku sameeyeen dekedda iyo garoonka. 

“Militariga Mareykanka waxay hadda haystaan Jabuuti, balse waxay u baahan yihiin qorshe labaad (Plan B), islamarkaana Somaliland waxay noqon kartaa midkaas,” waxaa sidaas yiri Tibor Nagy, oo ahaa kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, ee maamulkii Trump.

Bishii November, Ciise Kayd oo ah muwaadin Mareykan ah ayaa booqday Washington si uu olole uga sameeyo Congress-ka Mareykanka. Bishii ku xigtay ee December, kaaliyeyaal sare oo ka tirsan Congress-ka ayaa booqday Berbera iyo Hargeysa.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa qirsan inaysan u muuqan inay deg deg u heli karaan aqoonsi, balse waxay raadinayaan inay xulufo la noqdaan Washington kuna guuleystaan tallaabooyin ay xiriir toos ah kula yeelanayaan.

“Aqoonsi beddelkiisa, hadafkeena ugu weyn waa wada-shaqeyn,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Sanadii tegtay, Senator Risch, oo laga soo doorto gobolka Idaho ayaa qoray sharci ku qasbaya Pentagon-ka inuu wada-shaqeyn militari la yeesho Somaliland, ayada oo la dhinac marayo dowladda federaalka. Sharcigaas ayaa ka gudbi waayey Aqalka Senate-ka. Balse Risch wuxuu doonayaa inuu mar kale dib usoo nooleeyo wada-xaajoodka Somaliland.