26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay xiisada Soomaalida & Qowmiyada Oromada (Maxay ka tiri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay colaadaha ka dhextaagan Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada ee dhawaan ka dhacday dalka Ethiopia.

Cusmaan C/laahi Saxardiid ”Cadaani” oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Somaliland oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in codaalada taagan ay sababtay in dadbadan oo Soomaali ah ay ku naf waayan.

Waxa uu Wasiirka sheegay in colaada ka taagan xuduuda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida ay saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa iyo howlaha Ganacsiga ee ka dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Ethiopia.

Waxa uu sheegay Wasiirka in maamulka Somaliland uu ku howlan yahay xalinta colaada waxa uuna ka digay in dhibaato loo geysto dadka Oromada ah ee ku nool degaanada maamulka Somaliland, maadaama uu sheegay in ay yihiin dad magangalyo u jooga Somaliland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Booliska looga baahan yahay inay soo qabtaan oo sharciga ay hor geeyaan hadii ay arkaan dad dhibaato u geysanaya Oromada ku nool degaanada Somaliland.

Geesta kale, waxa uu ku baaqay in la muujiyo dulqaad mudada uu maamulka ku howlan yahay xal u helida colaadaha ka dhextaagan Soomaalida iyo Qowmiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News