Dhacdo foolxun: Nin cajiib ahaa oo dilka Hooyadii ku raali galiyay Xaaskiisa oo ka careysneyd (Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdadaani ayaa ku dhacday Hooyo lagu magacaabi jiray Saynab Al-sayid Maxfuud oo kasoo jeeda dalka Masar kadib markii uu dilay wiil caasi ah oo ay dhashay.

Dilka Hooyadan ayaa yimid kadib markii ay murmeen xaaska u dhaxda wiilkeeda waxa uuna wiilka kasoo horjeestay Hooyadii isagoo la saftay xaaskiisa oo uu khilaaf kala dhexeeyay Hooyada.

Falka uu wiilka ku dilay Hooyadii oo ahaa mid aad looga argagaxo ayaa ka dhacay magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar.

Wiilka ayaa dilka Hooyadii ku raali galinaayay xaaskiisa oo xiligaa qarka u saarneyd inay kala tagaan, waxa ayna isla fahmeen in laga takhluusiyo Hooyada uu Khilaafka kala dhexeeyay xaaskiisa.

Fool xumada dhacdadaan ayaa soo shaac baxday kadib markii Ninka caasiga iyo xaaskiisa ay u raashiin doonteen Maqaaxi dilka Hooyada kadib.

Dadka deriska la ahaa qoyska cajiibka ah ayaa kusoo baxay qeyla dhaanka Hooyada iyo dhoola ka qosolka wiilka iyo xaaskiisa kuwaa oo aanu u suuragalin inay badbaadiyan Hooyada oo aan markii horaba laheyn itaal maadaama ay da’ aheyd.

Ciidamada amaanka magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar ayaa ku guuleystay inay xiraan wiilkii geystay dembiga iyo Xaaskiisa oo baxsad ahaa.

Maxkamada magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar ayaa lagu wadaa in lagu xakumo wiilka iyo xaaskiisa oo dilka Hooyada loo hayo cadeyn marag leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com