Magacyada iyo Qabiillada Gudiga Xildhibaanada ee loo Xilsaarey Arinta Cabdikarin Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari  ayaa  magacaabay Guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin  Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay Dowladda Itoobiya iyo doodii ka dhalatay.

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaanada  ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaaraan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.

Waxaa lagu wargeliyay dhamaan Hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda. Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda Koowaadna uu ku qabsoomo 21-ka Bishan September

Waxaa kaloo la faray in 10-ka bisha October ay ku soo gudbiyeen warbixin Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Halkan hoose ka akhriso: Magacayada  iyo Qabiillada Gudiga Xildhibaanada ee loo Xilsaarey Cabdikarin Shiikh Miuuse Qalbi Dhagax

Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Gasoowe)                        Dir

Xildhibaan Axmed Mayow C abdule (Ruush)                        Raxan weyn

Xildhibaan  Burhaan Aadan Cabdule                                     Daarood

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa              Hawiye

Xildhibaan Cabduqaadir Shiikh Cali Ibraahim Baqdaadi            Dir

Xildhibaan  Cali Yuusuf Cismaan                                         Silcis Gorgaarte

Xildhibaan  Cali Yuusuf Cali ( Xoosh                                   Daarood Majeerteen

Xildhibaan  Hani Maxamed Aadan                                      Digil iyo Mirifle

Xildhibaan  Lutfoi Shariif Maxamed Cumar                          Reer  Xamar

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim                                         Hawiye

Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed ( Garwayne)         Digil iyo Mirifle

Xildhibaan  Maxamed Cumar Caymooy                              Jareer Weyne

Xildhibaan Maxamed Ibraahim  Cabdi Diyeeshe                 Dir isaaq

Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi                                    Daarood Ogaadeen

Saciid Maxamed Maxamuud Xayd                                     Muuse Dhari