Somaliland oo QORAAL yaab leh kasoo saartay muddo kororsiga Farmaajo, farriin-na u dirtay shacabka Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somalilanda ayaa markii u horeysay maanta qoraal rasmi ah kasoo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa waxa walaac looga muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu yeertay ‘dalka deriska’, gaar ahaan is-mari-waaga ka dhex taagan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka.

“Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu marqaati u yahay dulmiga iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo qatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka taasi oo suurtagal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxaa laga yaaba dagaalkaas uu ku qasbo kumannaan shacab ah inay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.”

Sidoo kale waxaa shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqeen inay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida caasimada.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka adkeysiga badan ee Muqdisho ee dhexda u galay xabadda iyo argagaxa aan joogsiga laheyn ee Al-Shabaab iyo kali-talisnimada Farmaajo ee tix-gelin la’aantiisa xuquuqda aadanaha inay ilaashadaan nabddooda iyo xasilloonidooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Somaliland ayaa waxa kale oo lagu soo dhaweeyay go’aankii uu Golaha Qaramada Midoobey ka qaatay kordhinta cunaqabteynta hubka, waxayna ka codsatay beesha caalamka inay si dhow ula socoto cunaqabteynta hubka Soomaaliya, xiligan xasaasiga ah.

Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, ayaa isku sifeysay inay hormuud u tahay dimuquraadiyada, waxayna qoraalka ku sheegtay in qori-isku-dhiibka kursiga uu si nabad ah uga socda dhaco dalkeeda.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay kasii dareyso xaalada siyaasadeed ee dalka, tan iyo markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar muddo kordhin loogu sameynayo Farmaajo, taasi oo ay si weyn uga hor-imaadeen mucaaridka iyo beesha caalamka.

Hoos ka aqriso qoraalka