Somaliland oo quus joogta kadib mowqifka ABIY Ahmed ee heshiiskii Addis Ababa

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan markii ugu horeysay bixisay faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee uu Muuse Biixi u saxiixay Abiy Ahmed, kaasi oo Soomaalida iyo caalamka si weyn u diideen.

Heshiiskaan oo illaa hadda helin dowlad sax tiraahda ayaa dhinaca kale sii luminaya dad kooban oo reer Somaliland ah oo rejo ictiraaf uga dhex muuqatay.

Wallow ay dadka reer Somaliland 100% ogyihiin in ogolaanshaha ictiraafkooda Muqdisho ku xiran yahay, haddana wareysi uu bixiyay La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa xaalada kusii fogeeyay dadkii aaminsanaa inuu waxyar oo rejo ah uu heshiidkan u leeyahay umadda Soomaaliyeed ee degan gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Dhowr arrimood oo ku jiray hadalkiisa ayaa dhamaan culeyska kusii badinaya Muuse Biixi, dhinaca kalena xoojinaya diidmada dadka Soomaaliyeed ee heshiiskaan.

Qoddobada waxaa kamid ah arrinta ictiraafka oo Muuse Biixi uu rabay inuu iskaga dejiyo fal-celinta gudaha Somaliland.

Itoobiya waxay sheegtay in marka uu heshiiska ka dhaqan-galo dhanka Somaliland oo badda lagu wareejiyo inay kadib ka fikirayaan macquul ahaanshaha codsigooda ictiraafka.

Itoobiya ayaa sidoo kale shaacisay in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka Dowladda Itoobiya u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

Si kastaba, heshiiskaasi ayaa la kulmay diidmo xooggan, ayada oo si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.