Somaliland oo shaaca ka qaaday arrinta ka dambeysa tallaabadii ay shalay qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeraad ka bixisay dacwad ay ka gudbisay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dacwadaan oo uu ku saxiixna xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa waxaa lagu dalbanayay in Cabdirisaaq Khaliif la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada, kadib markii uu ku eedeeyay inuu jabiyey dastuurka Somaliland.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Axmed Carshe oo la hadlay MMTV ayaa waxa uu dacwadaasi ku tilmaamay mid sharci ah, islamarkaana timid kadib markii Golaha Wakiilada ay ku fashilmeen inay tallaabo ka qaadan Cabdirisaaq Khaliif.

“Golaha Wakiilada muddo lix billood ah ayaa la sugayay, way ku fashilmeen oo tallaabo way ka qaadi waayeen, iyaga oo arkayey Cabdirisaaq Khaliif in uu badheedhay inuu dagaalka ku jiro, markaa qodobka 79-aad faqradiisa 2-aad ayaa ogol in xeer ilaaliyaha guud uu dacwad ku oogo,” ayuu yiri afhayeen Carshe.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xil ka xayuubinta Cabdirisaaq Khaliif ay hortaagan yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay guddoomiyaha dacwada laga gudbiya6 ay la fikir yihiin.

“7 xildhibaan oo Baarlamaanka ku jira oo taageersan huwanta la dagaalameysa Qaranka Somaliland ee kusoo duushay ayaa is-hortaagay in Golaha Wakiilada ay Khaliif dacwad kusoo oogan, inta kalena way ka baqeen oo waajibaadkoodii waa gudan waayeen,” ayuu yiri.

Xildhibannada uu eedeeyay afhayeenka oo aanu magacyadooda carabaabin ayuu shaaciyay in sidoo kale dacwad lagu soo oogi doono, kuwaasi oo eed uga dhigay in warbaahinta ka taageeraan guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Si kastaba, dacwada xeer ilaalinta kadib ayaa waxay Maxkamadda Sare ee Somaliland ay guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u dirtay warqad ay uga dalbaneyso inuu 7-cisho kaga soo jawaabo dacwad dastuuri ah oo xeer ilaalinta Somaliland ay u soo gudbisay maxkamadda.